Sbs Somali - Sbs Afomali
- Autor: Vários
- Narrador: Vários
- Editora: Podcast
- Duração: 178:42:50
- Mais informações
Informações:
Sinopse
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episódios
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga ee Jimce 27 February 2026
27/02/2026 Duração: 11minDowladda federaalka Australia ayaa maanta dhaqan gelisey sharcigii cusbaa ee hagaajinta ammaanka xarumaha xannaanada carruuruta. Labo qof ayaa u geeriyoodey caabuq fangi (fungal infection)oo ka dillaacay cisbitaalka Royal Aflred Hosptial oo ku yaalla Sydney.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Jimce 27 February 2026
27/02/2026 Duração: 09minHalkan ka dhegeyso warka Soomaaliya oo badankiisu ku saabsan yahay abaaraha ba'an ee ka jira Soomaaliya.
-
“Anshax xumo iyo Kibir”- Andrew ma laga saari karaa safka dhaxalka boqornimada.
26/02/2026 Duração: 13min"Waa qof qallafsan, isla weyn oo isu arka inuu xaq gaar ah leeyahay, kalana garan waayay farqiga u dhexeeya danta guud ee uu sheegay inuu u adeegayo iyo danihiisa gaarka ah" ayuu yiri Chris Bryant oo ah wasiirka ganacsiga Ingriiska.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Khamiis 26 February 2026
26/02/2026 Duração: 05minQasnajijga heer federaal ee Australia, ayaa sheegay in sicir-bararka ka sarreeya intii la filayay, uu yahay caqabadda ugu weyn ee saamaynaysa miisaaniyadda federaalka ee soo socota. Madaxweynihii hore, Bill Clinton iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda,Hillary Clinton ayaa la filayaa inay toddobaadkan hortagaan guddi ka tirsan Kongress-ka Maraykanka, iyaga oo qeyb ka ah baaritaanka ku saabsan Jeffrey Epstein.
-
Bukaan ka baxsaday xarun dhimmir oo dad laayey iyo is-beddel la codsaday
25/02/2026 Duração: 09minLabo bukaan ayaa ka baxdsaday xarun dhimmir oo ku taalla Sydney maalmo ka dibna laayey dad. Tan ayaa lagu tilmaamay dhibaato ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka ee New South Wales.
-
Ingiriiska ma u dhoofaysaa? Xeer cusub bay kusoo rogeen socdaalayaasha haysta labo dhalasho
25/02/2026 Duração: 07minLaga bilaabo 25-ka Febraayo 2026, muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee Australia iyo Ingriiska, ayaa halis ugu jira in loo diido gelintaanka dalka Ingriiska. Halkan ka dhegeyso sababta.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 25 February 2026
25/02/2026 Duração: 09minWarkii Soomaaliya halkan ka dhegeyso
-
Dhimashada Shilalka Waddooyinka oo aad u korodhay iyo khubarada oo ka digey
24/02/2026 Duração: 11minTirada dhimashada shilalka waddooyinka ee Australia ayaa kor u sii kacaysa. In ka badan kun iyo saddex boqol oo qof (1,300) ayaa ku dhintay waddooyinka Australia sanadkii la soo dhaafay. Bilowga sannadkan cusub ee 2026-na tiryooyinku ma muujinayaan wax horumar ah.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 24 February 2026
24/02/2026 Duração: 04minBooliiska New South Wales ayaa sheegay inay heleen wax ay aaminsan yihiin inuu yahay maydka nin 85 jir ah oo lagu magacaabi jiray Chris Baghsarian. Saraakiisha dambi-baarista ee kiiska gacanta ku haysa ayaa saaka 8:00 subaxnimo hadhaa bini’aadan ka helay, meel u dhow naadi kubbadda golf-ka ah oo ku yaalla Pitt Town, oo ka tirsan waqooyi-galbeedka Sydney.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 23 February 2026
23/02/2026 Duração: 06minWararka maanta waxaa ka mid ah: Ra'iisal-wasaaraha oo diidey soo-jeedin uga timid mucaaradka, kuna saabsan, in dembi loo sameeyo ciddii qof argagixiso lala xiriiriyey ka caawiya inay dib ugu soo noqdaan dalka.
-
SBS Somali Program Friday: Barnaamika Jimce 20 February 2026 oo dhan
22/02/2026 Duração: 56minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii jimcaha 20 February 2026 oo dhammays tiran. Wararkii Australia, caalamka, Soomaaliya iyo warbixinno kale oo faa'iido leh baa ka mid ah.
-
Your guide to using sunscreen in Australia - Australia Explained: Wax ka ogow sida kiriimka qorraxda (sunscreen) loogu istimaalo Australia
22/02/2026 Duração: 13minAustralia’s sun can be harsh. And sunscreen is one key measure protecting us against harmful sun exposure. We asked three scientists about sunscreen facts, myths and choosing the right products. - Qorraxda Australia aad bay u kulushay. Sunscreenkuna waa mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee la iskaga difaaco. Saddex Saynis-yahan ayaanu weydiinney macluumadka sunscreen-ka, maxaa ka run ah, maxaa khuraafaad ah, sideese loo doortaa nooca kugu habboon?
-
#104 Talking about school exams | NAPLAN - Learn English Ep #104: Barnaamijka Baro Ingriisi
22/02/2026 Duração: 11minLearn useful English for talking about school tests, studying, exam pressure, and when you do really well. - Baro sida Ingriisi loogaga hadlo imtixaannada Iskuulka, barashada casharada iyo culaysyada imtixaanka iyo sidoo kale markaad waxbarashada ku wacan tahay ee aad imtixaan ku baasto.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga 20 February 2026
20/02/2026 Duração: 12minMuslimiinta Sydney ayaa Puauline Handson ugu baaqay inay soo booqato xaafadda Lakemba si ay u barato deegaanka. Tan ayaa timid kadib markaa ay Pualine dhowaan sheegtay in aanu jirin Muslim wacani.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya 20 February 2026
20/02/2026 Duração: 09minXarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoo dhammaaday w ejigii koowaad ee shirkii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo golaha mustaqbalka. Waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer dow-lad goboleed.
-
Cunsuriyadda (Racism) oo la ogaadey inay ku badan tahay jaamacadaha Australia
19/02/2026 Duração: 14minArdayda iyo shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda Dadka dhulka loogu yimid, Shiinaha, Afrika, kuwa Yuhuudda ah iyo bariga dhexe ayaa sida warbixintu sheegtay, dareemay cunsuriyadda ugu badan. Boqolkiiba lix keliya, dadka sahanka laga qaaday ee toos ula kulmay cunsuriyadda ayaa cabasho gudbiyey.
-
SBS News Somali: Warka Khamiis 19 February 2026
19/02/2026 Duração: 05minMasaajidka Lakembe ee magaalada Sydney ayaa bill gudeheed loogu soo diray waraaq hanjebaad ah. Booliiska ayaa kordhinaya gaaf-wareegga iyo ilaalinta goobaha cibaadada.
-
ACCC oo Coles ku eedeysay inay ka been sheegeen qiimo-dhimis
18/02/2026 Duração: 06minHa'adda ACCC ayaa shirkadda dukaammada waaweyn ee Coles ku eedeysay inay macaamiishooda ku marin habaabiyeen qiimo-dhimis aan run ahayn. Maxakamadda Federaalka Australia ayay dacwad ka geeyeen. Warbixintan baa kuu faahfaahinaysa.
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 18 February 2026
18/02/2026 Duração: 11minDowladda New South Wales ayaa soo bandhigtay hindise-sharciyeed la yiraahdo, crime amendment bill, si loogula dagaallamo xag-jinimada garabka midigta kaddib markii uu mudaharaad neo-Nazi ahi ka dhacay bannaanka Baarlamaanka gobolka, bishii Nofembar ee sanadkii hore.
-
Interview: Waraysi - Jaamac Faarax oo ka warramay qalab caafimaad oo gaadhey Dire Dawa
18/02/2026 Duração: 11minContainer laga buuxiyey alaab iyo qalab caafimaad ayaa dhowan gaarey Dilchora Referal Hospital - Dire Dawa. Waa deeq ay hay'adda Rotary Club ee Footscray ay direen. Jaamac Faarah oo mas'uul sare ka ah Rotary Club Footscray ayaa hormuud ka ahaa. Waraysiganna wuxuu kaga warramayaa gaarintaanka alaalbte ee Dire Dawa.